1212 Views

Cali Geedi ”Waa nasiib darro in Erayo Colaad ah hawada la isku marsiiyo”

Cali Geedi ”Waa nasiib darro in Erayo Colaad ah hawada la isku marsiiyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaalada siyaasadee ee xilligaan ka jirta dalka iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & jawaabtii dowladda.

Cali Maxamed Feedi ayaa sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in dadka Soomaaliyeed ay dhegahooda ay maqlaan erayo xun oo qalbiyadooda niaad jab ku abuuri kara.

“Hadallada kasoo yeeraya Siyaasiyiin iyo Xisbiyada waa kuwo niyad jebinaya dadka Soomaaliyeed umana dul qaadan karaan,waana nasiib darro in Shacabka dowladnimadii ay doneynayeen loogu bedelo Erayo niyada ka jebinayo ayuu ryi” Cali Geedi.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya inay yareeyaan xasaradaha iyo waxyaabaha ay Shacabka dhibsanayaan,isla markaana Shacabka u dul qaadan karin hadallada kazoo yeeraya Siyaasiyiinta iyo Madaxda Xisbiyada.

Ugu dambeyn Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu  baaqay inay xushmeeyaan,isla markaana ay soo dhaweeyaan Madaxda iyaga xilka uga horeysay maadaama ay xilka ka degi karaan una baahan yihiin in la xushmeeyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment