816 Views

Soomaaliya oo Mareykanka kala hadleysa khilaafka kala dhaxeeya Kenya

Soomaaliya oo Mareykanka kala hadleysa khilaafka kala dhaxeeya Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2021—Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa isaga oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxaya Voa-da mar wax laga waydiiyay Arimaha xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu kala hadli doono dowladda Mareykanka.

Maxamed Cabdirisaaq Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu qorsheynayo la kulanka xubno katirsan Golaha Amaanka, si uu ugu gudbiyo Ashtakada Soomaaliya iyo soo bandhigida waxa ay ka tabanayaan oo uu ku qeexay ku xad gudubka sharafta Dalka oo ay Kenya sameysay.

“Waxaan aad ugu xunahay, oo aanan rabin in ay Kenya nagu wado faragelin, ha noqoto Arimaheena Siyaasadeed ama ha noqoto Xuduudaheena oo ay kusoo galaan ogolaansha la’aan, in ay Diyaaradahoodu Dalkeena iska soo galaan oo ay duqeeyaan Dad Soomaaliyeed, Xoolahooda, iyo Hantidooda” ayaa uu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ka faa’iiday jarista xiriirka Kenya in ay ku heshay dhageysiga wadamada Caalamka oo aan horay u maqli jirin dhibaato iyaga ka timaada iyo ixtiraam ay u muujiyeen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa bartamihii Bishii December ee 2020 sheegtay in ay si rasmi ah xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay Dowladda Kenya, waxaa xusid mudan xiligaasi in ay kulmeen Madaxwaynaha kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Shir aan Caadi ahayn oo 20-kii Bishii December ee Sanadkii hore ku yeesheen Madaxda IGAD Dalka Jabuuti Caasimadiisa ee Jabuuti ayaa laga soo saaray qodobo la sheegay in hordhac u ahaayeen xal ka gaarista Qilaafka labada Dal Soomaaliya iyo Kenya

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post