381 Views

Atoore dilay hooyadii sigayna Ra’iisul Wasaaraha Canada

Atoore dilay hooyadii sigayna Ra’iisul Wasaaraha Canada
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Jilaaga reer Canada Ryan Grantham ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii uu qirtay dambiga ah in uu dilay hooyadiis Barbara Waite sanadkii 2020.

24-jirkan, oo magaca Jeffery Augustine ku jilayay filinka da’yarta ee Riverdale, ayaa Arbacadii waxaa xukunka ku ridday Maxkamadda Sare ee Columbia ee Vancouver.

Waxa uu qirtay dambiga ah in uu galay darajada labaad ee dilka, iyadoo markii hore lagu soo eedeeyay dil darajada koowaad ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in uu sidoo kale qorsheeyay in uu dilo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Grantham ayaa qirtay in uu hooyadiis uu ka toogtay madaxa iyo dhabarka xilli ay biyaano ciyaaraysay iyada oo ku sugan gurigooda, ku yaalla waqooyiga Vancouver, maxkamada ayaa sidaasi dhageysatay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post