2442 Views

Caasha Shaacuur”Dowladu Amni Ma Sugi Kartee Shacabka Muqdisho Ha Sameystaan Ciidamo”

Caasha Shaacuur”Dowladu Amni Ma Sugi Kartee Shacabka Muqdisho Ha Sameystaan Ciidamo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Caasha sahacuur Ugaas oo ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho looga baahan yahay inay sameystaan Ciidamo Madani ah oo amnigooda ilaaliya.

Waxa ay sheegtay in Magalada muqdisho ay ku nool yihiin in ka badan saddex Milyan oo qof,marka loo baahan yahay in Shacabku ay xooga saaraan dhibaatada meesha ka jirto in laga hortago

“Shacabka Muqdisho waa in ay sameystaan Ciidamo madani ah,Dowladu Amniga waxba kama qaban karto waa in nafteena aan badbaadinaa”

Waxa ay sheegtay in dadka Magalada Muqdisho sida bareerka ah dadka ugu dilayo aysan aheyn kuwa loo maleynayo balse ay yihiin dad Ciyaala suuq ah oo u baahan in laga hortago sida ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn ayaa wax ay soo hadal qaaday dhacdadii dhawaan lagu dilay ee gubay Marxuum Axmed Dowlo oo loo dilay arrimo heybsooc kadib markii Wiil uu Adeer u yahay guursaday Gabar ka soo jeeda Beelaha loogu yeero Waaweynka.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment