222 Views

Madaxweynaha Ukrain oo sheegay in Ruushka uu haysto gantaalo ku filan, oo uu ku qaado weeraro culus oo ka dhan ah dalka Ukraine

Madaxweynaha Ukrain oo  sheegay in Ruushka uu haysto gantaalo ku filan, oo uu ku qaado weeraro culus oo ka dhan ah dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 17, 2022

Madaxweynaha Ruushka, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ruushka uu haysto gantaalo ku filan, oo uu ku qaado weeraro culus oo ka dhan ah dalka Ukraine

Injineerada ayaa sii wada shaqada ay dib ugu soo celinayaan korontada, kadib weeraradii waaweynaa ee Jimcihii oo la adeeg saday 76 gantaal.

Weerarada ayaa lala beegsaday kaabayaasha rayidka, iyadoo heerkulku uu hoos uga dhacay eber gobolo badan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la tashiyo ku saabsan mustaqbalka dagaalka la sameynayey taliyayaashiisa ciidamada.

Aqalka Kremlin-ka, ayaa sheegay in Putin uu Jimcihii oo dhan ku sugnaa xarunta howlgalka militari ee Ruushka.

Magaalada Kyiv, ayaa ku eedaysay maamulka Moscow inay jiilaalka u adeegsatay hub ahaan, iyada oo bartilmaameedsanaysa xarumaha muhiimka ah marka heerkulku hoos u dhaco.

Balse madaxweynaha Ruushka, ayaa horaantii bishan wacad ku maray inuu sii wadi doono duqeymaha uu ku hayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, isagoo sheegay in dhaleeceynta duqeymaha Ruushka, aysan faragelin doonin “howlgalkooda dagaalka”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post