1548 Views

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo musuq maasuq loo xiray

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo musuq maasuq loo xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 24 Maarso, 2019 –Wararka ka imanaya Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Guri Barwaaqo, iyadoo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq.

Sida wararku sheegayaan Wasiir Guri Barwaaqo ayaa maanta tagaya maxkamada magaalada Hargeysa oo la geeyay eedaha loo heysto ee ah wax is daba marinta, wuxuuna xilkiisa si KMG-ah ugu dhiibay Kuxigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland, ayaa isagu ku adkeystay in la soo xiro Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo xabsiga ay uga sii horeeyeen Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland.

Si kastaba, Hantidhowrka guud ee Somaliland ayaa soo gaba gabeeyay baaris uu ku hayay wasaaradaha qaar ee Somaliland,waxaana la sheegayaa in Hantidhowrku ay musuq ku heleen Hay’adaha dowladda qaar oo haatan xiritaankoodu bilowday.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment