825 Views

QM oo ka hadashay xil loo Magacaabay Sarkaal ka howlgalay Soomaaliya

QM oo ka hadashay xil loo Magacaabay Sarkaal ka howlgalay Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 17, 2020 –
Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa  u hambalyeysay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Rai Zenenga oo loo magacaabay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Isuduwaha Howlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).

Sarkaalkaan ayaa  ahaa tan iyo sanadkii  2014-kii Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo yaqaano (UNSOM).

“UNSOM waxa ay uga mahadcelinaysaa shaqadii adkeyd ee uu ka qabtay Soomaaliya 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana rajeyeneynaa in uu kasoo bixi doono Shaqada loo igmaday ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay  UNSOM.

Rai Zenenga ayaa tan iyo 2014-kii ahaa Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) , kahorna wuxuu noqday Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah (Siyaasadda) ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS). wuxuu sidoo kale horey maamule sare uga soo noqday Xarunta Qaramada Midoobay muddo 10 sano ah, mudadaas oo uu taageeray howlo badan oo nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka waday Afrika.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post