1173 Views

Dowladda oo sheegtay in aysan jirin Ciidamo Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Itoobiya

Dowladda oo sheegtay in aysan jirin Ciidamo Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid qaar kamid ah Waalidiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sheegay in Carruurtooda tababar Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya laga dagaal geliyay dalka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abukar dubbe ayaa sheegay in dhowr jeer Dowladda Soomaaliya ay soo gaartay wararka sheegaya in Dhalinyaradii tababarka loogu qaaday ereteriya ay ka qyeb galeen dagaalkii Ciidamada Itoobiya ay la galeen Kooxda TPLF, balse aan waxba ka jirin.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa qiray in dowladda ay dhalinyaro tababar ugu dirtay dalka Itoobiya, balse aysan jirin in laga qyeb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiirka in wararka sheegaya in ay dagaalka ka qeyb galeen dhalinyarada ay soo abaabuleen Siyaasiyiin xildoon ah, isaga oo si cad u sheegay in aysan jirin marnaba dagaal ay ka qeyb galeen Dhalinyarada dowladda Soomaaliya ay tababarka ugu dirtay Itoobiya.

Warkan kasoo yeeray dowladda Soomaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta Waaldiin sheegay in ay la’yihiin Carruurtooda oo tbabar loogu qaaday dalka Ereteriya ay dibadbax ka dhigeen Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post