2223 Views

Dil goordhow ka dhacay Muqdisho

Dil goordhow ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay goor dhow halkaasi ku dileen Askari ka tirsan ciidamada loo yaqaano Taraafikadda.

Sidda ay Qaranimo Online ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxaha dilka geystay ayaa watay Bastoolado, waxaana la sheegay in dilka ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheysan, waxaana Muqdisho lagu dilay Maalmihii lasoo dhaafay dad u badan dhalinyaro.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment