4020 Views

Culimada suufida Turkiga oo arday Soomaali ah siineysa deeq waxbarasho.

Culimada suufida Turkiga oo arday Soomaali ah siineysa deeq waxbarasho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Hay’adda Culimada Suufiyada Turkiga ay ku mideysan yihiin ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageereyso Waxbaridda Dhalinyaro Arday Soomaaliya ah.

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Macalin Nuur iyo Xubno uu Hogaaminayay ayaa Magaalada Istanbul kula kulmay Xoghahaya guud ee Daladda Culimada Suufiyada Turkiga Dr. Maxamed Cajaan Al-Jadiid.

Labada dhinac ayaa isla gartay in Soomaaliya laga qaado Arday katirsan Duruqada Suufida, lana Geeyo Turkiga gaar ahaan Xarunta Waxbarashada ee Dallaadaan ay leedahay.

Dr. Maxamed ayaa sheegay in ay garab siinayaan Ardayda Soomaalida ah ee Waxbarta gaar ahaan kuwa katirsan Culimada Suufida, waxa uuna tilmaamay in Xarunta Culuumta Sharciga ee Istanbul kusoo dhaweynayaan.

Wargeyska Al-Distuur oo Warbixintaan Daabacay ayaa sheegay in Labada Hay’ad Culimo waa Soomaaliya iyo Turkiga ay yeelan doonaan Xiriir dhaw oo qoto dheer, sidaa awgeedna ay iska kaashanaya sara u qaadista Tacliinta Ardayda Duruqadaan katirsan.

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan lagu marti geliyay Shirka Culimada Suufiyada Adduunka oo ay ka qeyb galeen Culimo ka kala socotay Dalal kala duwan.

suufiya-waxbarasho-3 suufiya-waxbarasho-2 suufiya-waxbarasho-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment