1878 Views

Booliska Toronto oo bilaabay Baarista dilkii loo geystay Kaafi Bashiir

Booliska Toronto oo bilaabay Baarista dilkii loo geystay Kaafi Bashiir
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | August 25, 2018  –  Ciidamada dalka Canada ayaa waxa ay bilaabeen Baaritaano ku aadan  wiil Soomaaliyeed oo shalay lagu dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada.

Booliska waxa ay sheegeen in ay waddaan Baaritaano cidda ka dambeysay dilka Kaafi Bashiir oo ka mid ahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunoolaa dalkaasi.

Booliska magaalada Toronto ayaa waxa ay sheegeen in ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay, dhawaana ay soo bandhigi doonaan warbixin sax ah oo la xiriirta sida uu falkan u dhacay iyo cida ka dambeysa.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Kaafi oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga helay Bartamaha Magaalada, islamarkaana ay aamin san yihiin in ay dileen kooxo dhalinyaro ah oo Soomaali ah.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa sanadyadii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalooyinka dalka Canada, waxaana jira in dilkaasi ay geysteen kooxo Gaangaastaro ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa in muddo ah waxa ay wadaan dadaalo lagu baajinayo dilalka dhalinyarada, balse dadaalada ay wadaan ayaa u muuqda kuwa aanan weli laga gaarin wax guul ah.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment