861 Views

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland  oo  ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________


Sabti: September 4, 2021

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni, oo weli ku maqan safar dibadda ah, ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto dalka, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha sida warar ku sheegayaan, inta uu Gaalkacyo ku suganyahay wuxu xarigga ka jari doonaa garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium.

Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo bulshada Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo dhismaha dekedda magaalada Gacarad oo meel geba-gabo ah maray

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post