768 Views

Sacuudi carabiya oo u soo magacabay safiir cusub Jamhuuriyadda Soomaaliya

Sacuudi carabiya oo  u soo magacabay  safiir  cusub Jamhuuriyadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday safiirkeeda cusub ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis Aala-Sacuud ayaa aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka ku dhaariyay Safiirka cusub ee Sacuudiga ee Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, waxaana Ninka lasoo magacaabay uu yahay madow Sucuudiyaan ah.

Madasha dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Amiir Muxamed Bin Salman, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Hab-maamuuska.

Sidoo kale Danjire Saalim Macow ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post