327 Views

Geel cunay geed sun ah oo ku le’day duleedka magaalada Jigjiga

Geel cunay geed sun ah oo ku le’day duleedka magaalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Axad: July 3, 2022

Geel badan ayaa ku sumoobay geed uu daaqay oo ka baxa duleedka magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

In ka badan boqol iyo konton neef oo geel ah ayaa ku le’day degaankaas.

Geelan hayaanka ah ayaa ku sii jeeday deegaanka Dhagaxle iyo ilaa daafaha Baabile oo biyo iyo baad-ba ay xoolo dhaqatadaas filayeen in ay ka heli doonaan.

Xoolo dhaqatada geela waday ayaa wararku sheegayaan in aanay qudhoodu garanayn geedkaasi inuu yahay sun xooluhu ku bakhtiyaan maadaama oo aanu ka bixin deegaamadii ay ka yimaadeen.

Deeq Xasan-dheeg oo kamid ah xoola dhaqatadii uu geeladu ku sumoobay geedkaas ayaa BBC u sheegay in geela uu daaqay geed aan la gareyn.

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dr Maxamed Gacal ayaa BBC u sheegay in geedka u yahay mid la yaqaanno uu xoolaha ay ku sumoobaan waa haddii ay si aad u cunaan isla markaana xoolo dhaqatada deegaanka ay xoolahooda ka ceshtaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post