912 Views

Rooble oo Mar kale la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan

Rooble oo  Mar kale la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wadahadleen hirgelinta doorashooyinka, gurmadka dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo xakameynta caabuqa Covid-19.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa todobaadkii hore Garowe kula kulmay madaxweynaha Puntland, isagoo kala hadlay dhaqangelinta war-murtiyeedkii 27-kii May.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya caddaadis ku saaraysa dhaqangelinta heshiiskii 27 May ee arrimaha doorashooyinka, oo weli aan sidii la rabay loo fulin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post