633 Views

Ciidamada amaanka oo xalay dhagxaan dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho

Ciidamada amaanka oo  xalay dhagxaan dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Ciidamada amaanka eek a hor taga qaraxyada  ayaa xalay dhagxaan dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob aad u maqshuul badan.

Gaadiidka isticmaalaya wadada Maka Al-mukarrama ayaa toos uga gudbi kara isgoyska dabka, isagoo aan u leexan karin dhanka isgoyska Bakaaraha ama dhanka kale ee xarunta degmada Waaberi, hadii uusan ku socon seedka xiga.

Inta badan isgoyska Dabka ayaa ah mid mashquul badan oo mar kasta ay gawaaridu isku xayirmaan, iyadoo ay joogaan ciidamo Taraafiko ah oo kala haga gaadiidka, intii ay awoodaan.

Sidoo kale  Tallaabadan ayaa imaanaysa xili  shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay bar control oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska dabka, kaas oo qarxay inta uusan gaarin barta control ee taallada Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post