1974 Views

RW Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka

RW Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2018 — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer ku tegay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta-nabadda, Hodon iyo gooba kale oo roobabkii Muqdisho ka da’ay ay biya dhigeen, isaga oo sidoo kale tegay xarumaha la dejiyay dadka laga soo daad gureeyay goobaha ay biyuhu fariisteen.

Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen Wasiirka amniga, taliyaasha ciidanka iyo maamulka Gobalka Benadir, ayaa waxa uu xog wareestay qaar kamid ah dadkii laga soo badbaadiyay xaafadaha ay biyuhu ku rogmadeen, waxa uuna faray guddiga loo xil saaray gurmadka in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu badbaadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Roobabka.

Wasiirka amniga gudaha XFS, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo ka war bixiyay Kormeerka ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay Qoysaska dadkii ku dhintay guud ahaan dhibaatada daadadka, waxa uuna sheegay in ujeeda kormeerka uu ahaa in loo gurmado qoysaska roobabku ay dhibaatada u geesteen.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in la sameeyay guddi dhibaatada la tacaala oo saldhiggoodu yahay xarunta maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka.

Mudane Ducaale waxa uu sheegay in ciidanka qalabka sida ay ka qeyb qaateen Badbaadinta Shacabka daadaku kusoo rogmadeen, waxa uuna caddeeyay in ay sii wadayaan howlaha badbaadinta.

rw-kahyre-booqday-2 rw-kahyre-booqday-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment