528 Views

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Gaadiid kala wareegtay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Gaadiid kala wareegtay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool
____________________________________________________________________________

February 2, 2022

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzania, ayaa Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool kala wareegtay labo gaari oo ay ugu talo galeen in ay adeegsadaan Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradda ka howlgala.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: ” Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania waxay uga mahadnaqeysaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Daaru Salaam, Tanzania, taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin Safaaradda.”

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Febraayo 2022, waxaa si dhab ah u hawlgalay laba gaari oo ay Jaaliyaddu u soo iibisay Safaaradda, iyadoo si rasmi ah ay gawaaridaas ku yimaadeen magaca Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania”. ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Safaaradda.



Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post