630 Views

Dhallinyaradii lagu afduubay Magaalada Beledweyne oo la sii daayay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 06, 2021:-Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dadaal dheer kadib ugu dambeyn lagu guuleystay in la siidaayo Dhalinyaradii Saddexda ahaa ee dhawaan sababo la xiriirka kiiska Ikraan Tahliil loogu afduubtay Magaaladaasi Beledweyne.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo maamulka Gobolka Hiiraan, kaas oo ugu dambeyn sababtay in dhalinyarada la siidaayo.

Guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne Maxamed Cabdi Cismaan (Qalaafow) oo kamid ahaa dadkii dadaalka u galay arrintaas ayaa u mahad celiyay Odayaasha Dhaqanka ee kaalinta weyn ka geystay siideynta Dhalinyarada afduub ahanta loo heystay,wxuuna sheegay in dhalinyaradaas aysan gelin dambiga gaar ah oo loo heystay.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beledweyne ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in falka afduubka ah uu ku dhacay si qalad ah, hayeeshee ugu dambeyn ay ku guuleysteen in la siidaayo dhalinyaradaas, waxaana ay ku baaqeen in xaalada la dejiyo.

Dadka kunool Magaalada Beledweyne ayaa aad uga carooday afduubka loo geystay dhalinyarada oo qaarkood aad looga yaqaanay Magaalada, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in ay xorriyadooda helaan.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post