1776 Views

DEG-DEG:–Mooshin laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo la qabtay

DEG-DEG:–Mooshin laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo la qabtay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018—Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa aqbalay mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya oo ay xildhaano ka tirsan golaha usoo gudbiyeen.

Mooshinkaan xil ka qaadista ah ayey xildhibaanada oo magacyadooda iyo tiradooda la shaacin waxa ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada gudbiyay mooshinkaan ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in dhawaan ay warbaahinta ugu warbixiyaan sababta ku kaliftay in mooshinkaani ay madaxweynaha ka gudbiyaan iyo tirada guud oo ay ka koobanyihiin.

Mooshinkaani ayaa waxaa la hor geyn doonaa xildhibaanada golaha Shacabka oo iyagu go’aamin doona in uu madaxweynaha xilka sii heyn doono iyo hadii xilka laga xayuubinayo.

Halkaan hoose ka akhriso Mooshinka uu gudoomiyaha baarlamaanka ka qabtay qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment