1056 Views

Sacuudiga iyo Qatar oo xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon

Sacuudiga  iyo Qatar oo  xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

“Guddiga aragtida dayaxa ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay Talaadadii in dayaxa bilaha ah oo curanaya bilowgii Shawaal aan la arkin. Sidaas darteed, Arbacada 12-ka May waxay noqon doontaa maalinta ugu dambeysa iyo 30-ka Ramadaan, Khamiista 13-ka May waxaa loo arki doonaa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga,” ayaa lagu yiri qoraal goordhaw ay soo saartay dowladda Sacuudiga.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli kala xaqiijin tallaabada ay shacabka Soomaaliyeed qaadanayaan berri, balse waxaa lagu wadaa in wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ay warbixin siiso shacabka.

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Talaadadii maanta ku beegneyd 29, waxaana loo badinayaa in berri la buuxi doono 30-ka, waxaana xusid mudan in bishii hore ee Shacbaan ay ku dhamaatay 30 maalmood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post