828 Views

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubay oo sheegay in dowladda aysan u qorsheysnayn weerar ay ku qaado jeneraal Saadaq Joon.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubay oo  sheegay in dowladda aysan u qorsheysnayn weerar ay ku qaado  jeneraal  Saadaq Joon.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Xili xalay Magaalada Muqdisho ay ka jirtay dhiilo Colaaded oo ku aadan in Dowlada waqtigeeda dhamaaday ay rabto inay weerar ku qaado xaafada shirkole ayaa waxaa arintaas xalay saq dhexe ka hadlay Wasiirka amniga Somaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubay ayaa sheegay in dowladda aysan u qorsheysnayn weerar ay ku qaado Taliyihii hore ee Booliska gobolka Baandir Saadaq Joon.

Wasiir Xundubey oo hadlay saqdii dhere ee caawa ayaa yiri “Saadaq Joon dowladdu haddii ay rabto in ay tallaabo ka qaado saacadihii ugu horreeyay ayay ka qaadi kartay, laakiin lama qorsheyn in ninkaas wax tallaabo ah laga qaado”.

Waxa uu sheegay Xundubeey In la weeraro xaafadaha uu degan yahay saaqad  oo ah kuwo nabdoon dowladdu uma aragto in wax dan ah ku jirto” ayuu hadalka ku daray Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Sidoo kale Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii caawa xildhibaano la heyb ah Saadaq Joon sheegeen in dowladdu qorsheynayso weerar ay ku qaado xaafadda Shirkole oo degan yahay Saadaq Joon.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post