288 Views

Tiradii dadkii ku dhintay qaraxii masaajidka ee Pakistan oo korodhay

Tiradii dadkii ku dhintay qaraxii masaajidka ee Pakistan oo korodhay
____________________________________________________________________________

Talaado: January 31 2023 | 

 Tirada dadka ku dhintay qaraxii shaley lala beegsaday masaajidka ku yaalla Pakistan ayaa gaartay 100 qof.

Masaajidka Pashwar wuxuu ku yaallay goob amnigeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana socdaa baaritaan ku aadan sida qofka isa soo miidaamiyay ay ugu suurtogashay in uu gudaha u galo dhismaha.

Weerarkan ayaa kamid qaraxyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Pakistan in muddo ah, waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah.

Garabka Taliban ee ka howlgala Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka inkasta oo markii dambe kooxda ay beenisay oo ay ku eedeeyeen garab kale oo ka goostay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post