669 Views

Hoggaamiyaasha Taalibaan oo markii ugu horreysay muddo 20 sano dib Wajiyadooda la arkay

Hoggaamiyaasha Taalibaan oo  markii ugu horreysay muddo 20 sano dib Wajiyadooda la arkay
____________________________________________________________________________


Arbaco: August 18, 2021

Hoggaamiyaasha Taalibaan ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ka dib dunida wajiyadooda u soo bandhigi doona iyaga oo “aan is qarinaynin”, sida sarkaal sare oo ka tirsan ururka uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay si weyn uga soo horjeedaan 20 -kii sano ee la soo dhaafay, xilligaas oo hoggaamiyeyaasha Taalibaan inta badan ku noolaayeen dhuumasho.

Talaadadii, afhayeenka ururka Zabihullah Majahid ayaa ka soo muuqday shirweynihii ugu horreeyay ee Taalibaan tan iyo markii ay qabsadeen Afghanistaan.

Saxafiyiinta ayaa aad ula yaabay markii ay arkeen wajiga nin sanado badan ku shaqeynayay si dhuumaalaysi ah.

Sarkaalka sare oo isla ururka Taalibaan ka tirsan ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in xubnaha Taalibaan lagu amray in aysan u dabaal degin guushii ay dhawaan ka gaareen dalka Afghanistan, wuxuuna intaas ku daray in dadka rayidka ah ay ku wareejiyaan hubka ay hayaan.

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka Afghanistan uu sugan yahay, kadib markii wax laga weeydiiyey in goobaha ay gacanta ku hayaan ay ka dhacayaan dilal iyo afduubyo.

Wuxuu intaa ku darey afhayeenka in aanu qofna qof kale afduubi karin, isagoo sheegay iney sii xoojinayaan ammaanka iyo kala danbeynta maalinba maalinta ka danbeysa.

Wuxuu carabka ku adkeeyey inaaney dooneyn hal qof xitaa inuu ka tago ama ka cararo dalkani, isagoo sheegay iney magan galyo guud iyo cafis u fidiyeen dadka oo idil.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post