975 Views

Jubbaland oo soo saartay digniin la xiriirta la macaamilka Al-Shabaab

Jubbaland oo soo saartay digniin la xiriirta la macaamilka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka.

Shirka amniga Jubbaland ayaa waxaa laga soo saaray digniin adag oo la xiriirta la Macaamilka Al Shabaab, Digniinta ayaa sigaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wadashaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu go’aamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hay’addaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post