1320 Views

Madaxweyne Museveni oo markii lixaad xilka madaxtinimada u tartamaya

Madaxweyne Museveni oo markii lixaad xilka madaxtinimada u tartamaya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Uganda ayaa usoo xushay madaxweyne Yoweri Museveni inuu yahay musharrax madaxweynaha doorashada dalkaasi ka dhaceysa sannadka 2021-ka.

Sanadkii lasoo dhaafay sharci la ansixiyay ayaa meesha looga saaray xayiraadda da’da madaxweynaha ee ku xusneyd dastuurka waddanka Uganda.

Waxay tallaabadan waddada u xaareysaa in madaxweyne Museveni uu xilka sii hayn karo muddo afartan sanno ah.

Waa markii lixaad uu xilka madaxtinimada u tartamaya madaxweynaha Uganda oo talada hayay tan iyo sanadkii 1986-kii.

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Uganda waxay bilaawday dhageysiga dacwadda looga soo horjeedo go’aanka meesha looga saaray xayiraadda da’da madaxweynaha dalkaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment