267 Views

Dhaqaatiir 52 bir ka soo saaray caloosha wiil yar oo u digay waaliddiinta

Dhaqaatiir 52 bir ka soo saaray caloosha wiil yar oo u digay waaliddiinta
____________________________________________________________________________

Talaado: December 20, 2022

Hooyo – wiilkeeda oo afar jir ah uu geeri u dhowaaday kaddib markii uu liqay 52 bir oo uu ka soo saaray qalab uu ku dheelayay – ayaa waaliddiinta ku boorrisay inay ka digtoonaadaan khataraha.

Dhaqaatiirta ayaa kaadi-heysta Jude ka jeexay illaa shan meel halkaasoo biraha ay galeen.

Hooyadii Lyndsey Foley ayaa sheegtay inay ka baqeysay in wiilkeeda uu dhinto.

Waaxda Caafimaadka ee Wales, dalka Ingiriiska (PHW) ayaa dadka ugu baaqay inay fekeraan kahor inta aysan carruurtooda u soo iibin alaabaha ay ku jiraan biraha yaryar iyo bateriyeyaasha sida galluuska ama badhanka u sameysan.

Ms Foley, oo 34 jir ah, ayaa sheegtay inuu walaac galay kaddib markii wiilkeeda oo haatan shan jir ah, uu ka bixi waayay xanuun muddo siddeed toddobaad ah.

Kaddib markii walaaceeda uu kordhay, bishii August waxay Jude u qaadday Isbitaalka Prince Charles Hospital isagoo markaa dareemayay xanuun daran.

Baaritaan iyo raajo la saaray ayaana lagu ogaaday arrintan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post