810 Views

Ukraine oo ka hadashay xasuuqa dadka rayidka ee Sabtidii la soo bandhigay

Ukraine oo ka hadashay xasuuqa dadka rayidka ee Sabtidii la soo bandhigay
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Kaaliyaha sare ee madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in xasuuqii dadka rayidka ahaa ee Sabtidii lagu soo bandhigay magaalooyinka la xoreeyay ee ka baxsan Kyiv ay mas’uuliyaddeeda qaadayaan siyaasiyiinta reer galbeedka oo ka baqaya “in ay ka xanaajiyaan” Ruushka.

Sabtidii, saxafiyiinta reer galbeedka ee tagay Bucha, Irpin iyo Hostomel waxay arkeen meydad daadsan hareeraha waddooyinka.

Ruushka ayaa dhowr gantaal ku garaacay dekedda Odesa ee badda Madow ee Ukraine iyo bartilmaameedyo kale.

Muuqaal la arkay ayaa waxaa uu muujinayay qiiq madow oo ka soo baxaya xarun warshadeed oo ku taalla Odesa.

Barasaabka gobolkaKeremen-chuk ee bartamaha Ukraine ayaa sheegay in warshad saliidda sifaysa oo halkaas ku taal ay gubatay ka dib markii ay haleeleen gantaallada Ruushka.

  •  

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post