714 Views

Xiisad ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Xiisad ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 23, 2020 –
Xiisadaan oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ay ka taagan tahay degaanka Xajiin farayar oo 14km dhanka Koonfur Bari uga began degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa xiisadooda waxaa ay salka ku heeysaa dhul iyo dialal la xiriira aanooyin qbaiil oo horay uga dhacay degaanka iyo degaano kale o hoostaga degmada Matabaan.

Dadka degaanka Xajiin farayar ayaa waxaa ay sheegeen in xiisadaan oo horay u jirtay ay soo cusboonaatay, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan meel u dhow degaanka Xajiin farayar ay ku dileen Nin Shacab Xoolo dhaqato ahaa.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay gaareen halka xiisada ay ka taagan tahay, hayeeshee aysan weli ku guuleysan xalka gaaritsta xiisada u dhaxeysa labada maleeshiyo Beeleed.

Odayaasha Dhaqanka degaanka Xajiin farayar ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaliya, Odayasha Dhaqanka labada Beelood &  maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle inay xal ka gaaran Colaad Beeleedyada degaankaas kusoo laab laabtay.

Dhowr jeer oo hore ayaa degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dilal aanooyin qabiil ah iyo dagaal toos ah wallow laga heshiiyay, hayeeshee sanad kasta ay dib u soo cusboonaadaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post