945 Views

Mooshin ka dhan ah Sharci uu meel mariyay Baarlamaanka Somalia oo la gudbiyey

Mooshin ka dhan ah Sharci uu meel mariyay Baarlamaanka Somalia oo la gudbiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay Baarlamaanka dalkaas u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Sharciga Saxaafadda oo ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa waxaa ay sheegeen in Sharcigaas uu yahay mid ka hor imaanaya Xurriyadda hadalka,walow aan mooshinkaas la horgeyn Baarlamaanka dalkaas si ay uga doodaan.

 

 

 

Xeerka Baarlamaanka Uk ayaa dhigaya in mooshin kasta ay gudbin karaan 6 ilaa 7 Mudane,kadibna ay xildhibaannada cod u qaadaan in mooshinkaas laga doodo,kadibna lagu dhaqaaqo Go’aanka Xildhibaannada.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in arrintaan ay u ololeeyeen Ururka Saxafiyiinta dalka Ingiriiska ee (AUJ) kuwaas Baarlamaanka Uk ka dhaadhiciyey, iyaga oo walaac ka muujiyey qodobo qaar oo ku jira Sharciga Saxaafadda ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sheegeen in uu lidi ku Shaqda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

 

Dad badan ayaa is weeydiinayay maadaama Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan waxa sababay in Baarlamaanka Uk ay mooshiin ka gudbiyaan sharci ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya,hayeeshee dadka falanqeeya Arrimaha Soomaaliya iyo Caalamka ayaa waxaa ay sheegeen in UK ay kamid tahay wadamada Dhaqaalaha siiya Soomaaliya.

 

Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu sugayaa kaliya saxiixa Madaxweyne Farmaajo,waxaana xusid mudan in Ururada Saxaafadda Soomaaliya ay walaac xoogan ka muujiyeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment