336 Views

Golaha Wasiirrada Soomaaliya Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya  Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

.

Khamiis January 26 2023 

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa xilkan  laga qaaday  Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Xijaar oo kasoo jeeday gobolka Sool.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa ka soo jeedaa Jubbaland, Wuxuuna horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka DFS.

Taliyaha cusub waxaa qiimayn doonaa sida uu  wax uga  qabto xaaladda Amni ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho  todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka dhaceen, oo lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir iyo Agagaarka Xarunta Madaxtooyada.

Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey  balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post