2562 Views

Qodobada ay ku heshiiyeen Cabdirashiid Janan & dowladda Soomaaliya oo la soo bandhigay

Qodobada ay ku heshiiyeen Cabdirashiid Janan & dowladda Soomaaliya oo la soo bandhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021–Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa Maanta shaaciyay 5 qodob ay ku heshiiyeen isaga iyo dowladda Federaalka, taas oo sababtay in uu dowladda kusoo biro.

Qodobada ay ku heshiiyeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah.

In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3 In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

In uusan siyaasadda ka bixi doonin

Sidoo kale Janan waxaa uu sheegay in intaas oo dhan uu ku saleeyay abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, uusan dooneynna in uu qeyb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post