1365 Views

Khaasaare ka dhashay dibadbax maanta ka dhacay Baydhaba

Khaasaare ka dhashay dibadbax maanta ka dhacay Baydhaba
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 15 December 2018 –Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday dhowr qof oo kalana waa ku dhaawacmeen kaddib markii maanta ay isku dhaceen ciidanka nabadgelyada iyo dadwynaha magaalada Baydhaba oo muddo 3 maalin ah wada mudaaharaad ay ku diidan yihin Xarigga Muqtaar Roobow Abuu Mansuur guddoomiye kuxigeenkii hore ee Alshabaab.

Dibadbaxayaasha ayaa isku dayay in ay Dhagxaan ku tuuraan Kolonyo ka mid ah ciidamada la wareegay maaanka magaalada,waxaana ay ku jawaabeen Rasaas nool taas oo dhalisay dhimashada iyo dhaawac qaar ka mid ah banaanbaxayaasha.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay  Mustaqbal  in rabashadaasi ay ka dhaceen agagaarka Guriga uu  Mukhtaar Roobow Cali uu deggan yahay Baydhaba.

Dhinaca kale Isgaarsinta iyo Internetka ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhaba,kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray.

Illaa hadda inta la ogyahay xasilooni a’aanta siyaasadeed ee ka taagan Baydhaba waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 Qof oo uu kujiro xildhibaan KGS, waxaana jira dhaawac iyo burbur hanti.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la sii daayo musharrax Mukhtaar Roobow Cali  islamarkaana doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigo.

Dowladda Federaalka ayaa Khamiistii tagtay waxa ay ka soo xirtay Baydhaba Muqtaar Roobow oo ay ku eedeysay in uusan fulin ballamihii uu galay kaddib markii ay xukuumadda Soomaaliya isu dhiibay.

Muqtaar Roobow waxa uu ahaa ninka labaad ee Alshaab ugu awoodda badan, waxaana uu muddo hoggaaminayey dagaalada iyo weeradada kadhanka dowladda Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa uu kamid ahaa madaxda Alshabaab ee lagu eedeynayo in ay kadambeeyeen fulinta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Alshabaab ay kawadeen Muqdisho iyo gobolada Bartamaha iyo Koofurta laga soo billaabo 2007-2011

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment