735 Views
____________________________________________________________________________

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay magaalo ka tirsan Mareykanka.

Qarax weyn ayaa ruxay waddo inteeda badan marneyd oo ku taalla bartamaha magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka, kaasi oo waxyeeleeyey dhismooyin, islamarkaana dhaawacay saddex qof. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qaraxaas uu ahaa ku talo-gal, waxaana hadda baaritaanka kiiskan hoggaaminaya FBI-da Mareykanka.

Afhayeenka booliska magaalada Nashville Don Aaron ayaa sheegay in booliska loogu yeeray toogasho la sheegay inay aagga ka dhaceysay, hase yeeshee ma jirin wax astaamo ah oo muujinayey toogasho dhacday.Saraakiisha ayaa markii ay yimaadeen goobta arkay baabuur laga shakiyey, waxayna waceen cutubka halisaha qaabilsan, hase yeeshee intii ay sugayaan ayuu gaarigii qarxay.

Khubarada amniga ayaa rumeysan in wicitaanka uu ahaa mid been abuur ah oo la doonayey in booliska la isugu keeno goobta, si kadib loogu qarxiyo. Aaron ayaa sheegay in saddex qof loo qaaday isbitalka, inkasta oo midna aysan xaaladiisa halis aheyn.

Sidoo kale dhowr qof ayuu sheegay in loo kaxeeyey xarunta booliska si su’aalo loo weydiiyo, waxaana baaritaanka kiiskaas la wareegtay FBI-da Mareykanka oo ah hay’adda dowladda dhexe u qaabilsan ficillada qaraxyada iyo argagixisada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post