1209 Views

Kenya Oo Shaacisay Xilliga Ay Ciiddankooda Kala Bixi Doonaan Somalia

Kenya Oo Shaacisay Xilliga Ay Ciiddankooda Kala Bixi Doonaan Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –Wareysi uu siiyey Wargeyska Africa Defence Forum  ayuu ku sheegay in xaalladda Somalia haatan tahay mid dhiiri-gelin leh, isla markaana ay AMISOM guulo ka gaarayaan Hawlgalka dhulka, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu sheegay inuu filayo in qoddobka ugu muhiimsan tahay muhiimadda taageerida qorshaha Xilliga Kala-guurka, oo ay Ciiddanka AMISOM ka huleeli doonaan Domalia marka la gaaro sannadka 2021-ka.

 

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Ciiddanka Kenya, Jeneral Robert Kibochi waxa uu tilmaamay inay ka Kenya ahaan go’aansaday inay qeeyb ka sii ahaadaan Hawlgalka AMISOM iyo inay sii wadaan qeybta kaga adaan ilaa laga gaarayo Xilliga Kala-guurka, ilaa laga xaqiijiyo baahida DFS.

Waxa uu intaasi ku daray inta aan la gaarin Qorshaha Ka-bixista AMISOM ee sannadka 2021-ka in loo baahan yahay in Ciiddanka Qaranka Somalia aad loo tababaro, lana qalabeeyo, si ay  mas’uuliyadda Ammaanka ugala wareegaan Ciiddanka Isbahaysiga ee ku sugan gudaha Somalia.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay deris-wanaagga Somalia iyo Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay doonayaan  in Xal Kama-dambays ah loo helo Degananshaha deriskeenna naga xigo Bariga, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Ciiddanka Kenya oo Somalia gudaha u soo galay bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii waxay khasaaro kala kulmeen Dagaalka Alshabaab, iyadoo khasaarihii ugu xumaa looga dilay in ka badan 200 Askari oo ku sugnaa xero ku taalla Deegaanka Ceel-cadde sannadkii 2016-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment