915 Views

Tiro dad ah oo ku dhimatay duqeyn ka dhacday xero ku taalla Tigray

Tiro dad ah oo ku dhimatay duqeyn ka dhacday xero ku taalla Tigray
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Shaqaalaha gargaarka ee ku sugan waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in 56 qof lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday xero ay ku nool yihiin dad barakacay oo ku taal gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta weerrarka ka dhacay dhisme iskuul oo ku yaal xerada Dedebit, hasayeeshee sawirrada la soo dhigayo baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan ayaa muujinaya dad rayid ah oo dhaawac ah oo lagu dabiibayo isbitaal.

Ciidamada dowladda ayaa mucaaradka kula dagaallamayay Tigray,dowladda kama aysan hadlin weerarkaas.

Dhanka kalena, iyadoo isku dhacyada u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo isbahaysiga mucaaradka oo ay horkacayaan kuwa Tigray uu si ku meel gaar ah u istaagay, ayaa haddana waxaa weli sii socda duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo goobaha ay fallaagada ku sugan yihiin.

Shaqaale gargaar, oo aan magacooda la shaacin, ayaa soo bandhigay sawirrada dad dhaawac ah oo isbitaalka jooga, oo ay ku jiraan tiro carruur ah.

Jimcihii, dowladda ayaa ku dhawaaqday inay sii deysay dhowr siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin hogaamiyeyaasha kooxda TPLF.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in tallaabadaais looga gol leeyahay in la gaaro dib u heshiisiin qaran laguna hormariyo midnimo qaran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post