1473 Views

Xukuumadda Soomaaliya Oo War Deg Deg Ah Ka Soo Saartay Doorashada KGS

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 6, 2018, 2018 Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa looga hadlay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka

a xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa auu ku soo aadayaa xilli xalay intoodii ugu badneyd ay is casileen Guddigii qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyaga oo sheegay in ay faragelin kala kulmeen dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment