309 Views

Diyaarad gurmad u waday degmada Baardheere oo loo diiday inay tagto degmadaas.

Diyaarad gurmad u waday degmada Baardheere oo loo diiday inay tagto degmadaas.
____________________________________________________________________________

Diyaarad siday raahin gargaar ah oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in Maaanta loo diiday inay ka degto degmadaas.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag uga hadlay diyaarad gargaar ah oo Jubbaland ay u diri lahayd degmada Baardheere si loogu caawiyo dadka ay fatahaaddu saamay balse ay is-hortaag ku sameeyeen maamulka degmadaasi.

Wuxuu sheegay Wasiirka in markii hore guddoomiyaha degmada Baardheere uu ogolaaday in diyaaradda Gargaarka sida ay tagto degmada, balse amar uga yimid madaxda ka sareeysa uu hadane ku joojiyay.

Wuxuu u sheegay Shacabka degmada Baardheere in gurmadkii uu ugu talo galay Maamulka Jubbaland ay ka hor-istaageen Maamulka, isaga oo Shacabka ka dalbaday inay iska celiyaan dadka madaxda u ah ee tallaabadaasi qaaday.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa degaannada iyo degmooyinka Jubbaland loo diiday inay tagaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post