600 Views

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay hoggaamiye shabakad ku caan ah ka ganacsiga Khamriga.

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay hoggaamiye shabakad ku caan ah ka ganacsiga Khamriga.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa sida la xaqiijiyay gacanta ku dhigay hoggaamiye shabakad ku caan ah ka ganacsiga Khamriga.

Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in hawlgalka lagu qabtay saddex kamid ah shabakad ku caan ah Khamriga oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxdaas.

Saddexda nin ayaa xabsiga loo dhaadhiciyay si baaritaan loogu sameeyo waxaana hubkoodii la wareegay Booliiska.

Shabakaddaas oo in mudda ah lagu raad-joogay ayaan qaarkood weli gacanta lagu dhigin sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post