144 Views

Jaamacadda Carabta oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan heshiis beenaadkii Itoobiya Somaliland

Jaamacadda Carabta oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan heshiis beenaadkii Itoobiya Somaliland
____________________________________________________________________________

Qaahira – Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdie ayaa cambaareeyay heshiisyada is-afgaradka ah ee ku xad-gudba Qaranimada Soomaaliya, loogana faa’iidaysanayo duruufaha ka jira dalka iyo is-faham-waaga ka taagan wadahadallada ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin, isla markaana xad-gudub cad ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenku waxa uu ka digay saamaynta ay tallabadani ku yeelan karto fidinta afkaarta argagaxisada ee xagjirka ah, xilli dawladda Soomaaliya ay dedaalo badan ugu jirto sidii ay uga hortagi lahayd.

_______________________________________________________________________

Xigasho: SONNA

________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post