159 Views

Taliye Suulnuuge oo ku geeriyooday Dagaal ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug

Taliye Suulnuuge oo ku geeriyooday Dagaal ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo maanta ka dhacay deegaan Hoosyimaada magaalada Caad ee Koonfurta gobolka Mudug, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ay kusoo qaadeen deegaanka Jeexjeex ooh ore looga saaray.

Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana lasoo warinayaa khasaare kale duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, xilli dowladdu ay sheegtay in weerarka lagu jabiyay Shabaabkii soo qaaday.

Khasaaraha la wariyay ee ka dhashay ayaa waxaa kaid ah geerida Allah unaxariistee Abaanduulihii guutada 18-aad ee ciidanka kumaandooska ee Gorgor Cabdi Maxamed Suul-nuug, waxaana uu kamid ahaa tiro ku geeriyootay dagaalkii manta ka dhacay deegaanka Jeexjeex.

Deegaan oo hoostaga magaalada Caad ayaa dhowaan waxaa gudaha u galay ciidanka xoogga dalka, xilli ay maalmihii dambe ay wadeen howlgallo lagu soo afjarayo Al-shabaabka ku sugan gobolka Mudug oo inta badan dowladdu ay kala wareegtay kooxda marka la eego deegaannada howlgallada looga saaray

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post