387 Views

Shiinaha oo Mareykanka ugu hanjabay arrin ku saabsan Taiwan

Shiinaha oo Mareykanka ugu hanjabay arrin ku saabsan Taiwan
____________________________________________________________________________

Arbaco july 27, 2022

Waxaa jiraa warar laisla dhexmarayay oo sheegayay in in afhayeenka golaha aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay qorsheyneyso inay booqasho ku tegto Taiwan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay Shiinaha islamarkaana Mareykanka ku noqotay madax xanuun.

Shiinaha ayaa ku hanjabay in booqashadaas ay ka dhalan doonto ‘cawaaqib halis ah’ waa haddii Nancy Pelosi ay booqasho ku tegto jasiiradda Taiwan.

Mrs Pelosiayaa noqoneysaa siyaasigii ugu sarreeyay ee Amerikaan ah oo u safra jasiiradda Taiwan tan iyo sanadkii 1997.

Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobol ka tirsan dhulka Shiinaha isla markaana aysan ka go’i karin.

Xukuumadda Bejing ma aysan sheegin in suurtagalnimada arrintani uu si awood ah ku fulin doono.

Maamulka Biden waxaa lagu soo warramayaa inay isku dayayaan sidii Nancy Pelosi ay isaga dhaafi laheyd safarka.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Joe Biden wuxuu weriyeyaasha u sheegay in ‘militariga uu arrinta u maleynayo qorshe aan wanaagsaneyn’ balse wuxuu Aqalka Cad ku tilmaamay hadallada Shiinaha ee ku saabsan safarkaas ay yihiin ‘kuwa aan wax tareyn oo aan loo baahneyn’

Wasaaradda arrimahada dibadda ayaa sheegtay in Nancy Pelosi aysan shaacin safarkan balse mowqifka Mareykanka ee qadiyadda Taiwan ay tahay arrin aan weli isbaddalin.



Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post