1176 Views

Toddobo carruur ah iyo macalinkooda oo lagu toogtay iskuul ku yaalla magaalada Kazan ee dalka Ruushka

Toddobo carruur ah iyo macalinkooda oo  lagu toogtay iskuul ku yaalla magaalada Kazan ee dalka Ruushka
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Toddobo carruur ah iyo macalinkooda ayaa lagu toogtay iskuul ku yaalla magaalada Kazan ee dalka Ruushka, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaas.

In ka badan 20 qof oo u badnaa carruur ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen halkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay bariga Moscow gobolka ay muslimiinta ku badan yihiin ee Tatarstan.

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa dhacdada ku tilmaamay mid murugadeeda leh halka hoggaamiyaha gobolka Tatarstan.uu ku tilmaamay “masiibo weyn”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in dib u eegis uu ku sameyn doono xeerarka xakameynta hubka ee dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post