1371 Views

SAWIRO:-Puntland oo Martigelineysa Shir ay soo qaban qaabisey Dowladda Somalia

SAWIRO:-Puntland oo Martigelineysa Shir ay soo qaban qaabisey Dowladda Somalia
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL |  Abriil 28, 2019 —Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Maalinta Berito ah oo Isniin ah uu ka furmo Shirka Madasha Kalluumeysatada Soomaaliyeed,kaas oo sanadkaan ay martigelineyso Puntland.

 

Maanta Magalada Garoowe waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo  Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, isla markaana ay wehlinayaan Wasiirada Kalluumeysiga ee Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

 

Sidoo kale Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Magalada Garoowe uu gaaro Wasiirka Kalluumeysiga dowlad goboleedka Jubbaland,waxaana wafdiga Maanta gaarey Garoowe soo dhaweeyey Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash.

 

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa Garoowe kusoo dhoweeyay Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay la socdaan Wasiirada Kalluumeysiga ee Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

 

Shirka Madasha Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo berrito ka furmaya Garoowe ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin sidii ay wadashaqeyn dhow u yeelan lahaayeen Wasaaradahaas iyo sidii la isaga kaashan lahaa howlaha Kalluumeysiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment