813 Views

Waare “Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council madaxda Somalida waa lala hadlay

Waare “Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council madaxda Somalida  waa lala hadlay
____________________________________________________________________________

February 23 , 2, 2021

Madaxweynihii hore ee dmaamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Waare ayaa shaaca ka qaaday inuu daawaday kulankaasi iyo nuxurka khudbadihii laga jeediyey, wuxuuna sheegay inuu ka fahmay fariin ku socota madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda Soomaaliyeed si gaar ah loola hadlay, islamarkaana ay muhiim tahay inay fahmaan sida ay tahay in loo wajo xaaladda adag.

“Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council ee arrimaha Soomaaliya. Soomaaliya madaxdeeda waa lala hadlay. wax nin rag la yiraa waxaa ugu liita in la yiraahdo xaaskaada iyo ilmahaadu waa dan-dareysan yihiin, mana fiirsan karnee saan u dhaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle oo qoraal soo saaray.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo wada istaago muxaafad & mucaarad, bad-baadinta dalka iyo dowladnimada, si xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada ergayga QM ee Soomaalida uu khudbad dheer ee uu kaga hadlay xaaladda dalka ka jeediyey kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay ku socoto wado halis ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post