756 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ku saabsan doorashooyinka ka bilaabaya Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ku saabsan doorashooyinka ka bilaabaya Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hogaaminayo ,ayaa manta la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay kulan kula yeeshaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee maamulkaasi.

Kulamada manta ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul wasaaraha  oo ay la socdeen xubno ka tirsan gollahiisa wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda federaalka ah,waxaa shalay ay gaareen magaalada Dhuusamareeb,halkaasi oo loogu sameeyay xaflad soo dhoweyn ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane  Rooble iyo wafdi uu hoggaamiaayo ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalooyinka Garowe iyo Baydhab

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post