774 Views

Somaliland oo xabsiga dhigtay wariyeyaal kasoo jeedo Puntland

Somaliland oo xabsiga dhigtay wariyeyaal kasoo jeedo Puntland
____________________________________________________________________________

  Isniin: June 13, 2022

Waxaa Magaalada Ceerigaabo ee gobolka sanaag lagu xirey weriyeyaal kasoo jeedo maamul goboleedka Puntland kuwaa oo muddooyinkii ugu danbeeyay safaro shaqo ku marayey deegaanada Gobolka Sanaag.

Saxafiyiinta xabsiga loo taxaabay ayaa kalala ah Maxamed Xasan Dhalo, Kilwe Adan, Cabdicasiis Xidig iyo Maxamuud Jama.

Weriyeyaasha ayaa sida lay sheegay waxaa la xiray markii ay soo galeen Magaalada Ceerigaabo ee gobolka sanaag halkaas oo shalay uu gaaray Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi cabdi, iyadoona uu shir uga socdo isagga iyo Isimada Gobolka Sanaag.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray wariyaasha kala ah Maxamed Xasan Dhalo, Kilwe Adan, Cabdicasiis Xidig iyo Maxamuud Jama, waxaase arintaan ay ku soo aadeysaa xili maamulka Somaliland ay xabsiyadda ugu jiraan suxufyiin kasoo jeedo maamulkaasi.

..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post