303 Views

Madaxda waddamada Faransiiska iyo Jarmalka oo madaxweyne Putin ugu baaqay inuu sii daayo 2,500 dagaallamayaal reer Ukraine

Madaxda waddamada Faransiiska iyo Jarmalka oo  madaxweyne Putin ugu baaqay inuu sii daayo 2,500 dagaallamayaal reer Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

 Madaxda waddamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa madaxweyne Putin ugu baaqay inuu sii daayo 2,500 dagaallamayaal reer Ukraine oo uu ka qabtay warshadda birta Azovstal oo ku taalla magaalada Mriopol.

Emmanuel Macron iyo Olaf Scholz oo muddo 8 daqiiqo taleefan kula hadlay Putin waxay ka codsadeen wadahadal dhab ah inuu la galo madaxweynaha Ukraine.

Kremlin-ka ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Ruushka uu madaxdaasi u soo jeediyay in ay eegaan fursadaha dib looga billaabi karo dhoofinta hadhuudhka Ukraine si ay gacan uga geystaan wax ka qabashada khatarta dhibaatada cunna yarida dunida soo food saartay.

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka waxay ka mid yihiin madaxda waddamada reer galbeedka oo weli xiriirka la sameyo Putin tani iyo marki uu Ruushka billaabay duullaanka Ukraine.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post