1047 Views

Telefishinka Al Jazeera oo cambaareeyay gantaallo ay Israa’iil la beegsatay Xaruntooda Gaza

Telefishinka Al Jazeera oo  cambaareeyay gantaallo ay Israa’iil la beegsatay Xaruntooda Gaza
____________________________________________________________________________

May 15 2021

 Telefishinka Al Jazeera ayaa cambaareeyay gantaallo ay Israa’iil la beegsatay dhismaha Gaza oo xarun u ahaa warbaahinta Al Jazeera iyo wakaaladda wararka ee AP.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallaabadan “ay tahay ficil cad oo looga hor istaagayo saxafiyiinta inay gutaan waajibaadkooda muqadaska ah ee ah inay caalamka u sheegaan kana warbixiyaan dhacdooyinka socda.

“Al Jazeera waxay balan qaadeysaa inay raacdo waddo kasta oo la heli karo si ay dowlada Israa’iil masuul uga noqoto ficilkeeda.”

Dadka deegaanka iyo kuwa degan dhismaha ayaa ciidamada Israa’iil waxay ku wargeliyeen taleefoon inay heystaan ​​wax ka yar hal saac oo ay kaga baxaan dhismaha.


Dr Mostefa Souag, oo ah kusimaha agaasimaha guud ee Warbaahinta Al Jazeera, ayaa yiri:

Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka inay cambaareyso falalkaas waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsanayo saxafiyiinta, waxaana codsaneynaa tallaabo caalami ah oo deg deg ah oo lagula xisaabtamayo Israa’iil bartilmaameedka ula kaca ah ee ay la beegsaneyso saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.

Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv.

Weerarkan ayaa ahaa mid ay uga argoosanayaan duqeymo ay xaley Israa’iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla Qaza.

Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.

Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhismo ay degenaayeen dagaalyahanada Xamaas.

Masar ayaa 10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay marinka Qaza si ay usoo daabulaan dadka ku dhawaacmay duqeymaha Israa’iil si loogu daweeyo cisbitaallada Masar, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Masar ayaa ka tallaabay xadka Rafah.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in gawaari kale oo gurmad ah ay u dirtay Qaza kuwaas oo la filayo in xilli dambe ay gaaraan halkaas.

Waxaa lagu wadaa in dadka dhaawac ah ay qaabilaan saddex cisbitaal oo ku yaalla Masar, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha iyo saraakiisha caafimaadka.

Saraakiisha ku sugan Qaza waxay sheegeen in 950 qof ay ku dhawaacmeen tan iyo Isniintii oo dagaallada ka qarxeen halkaas.

Waa nabar aan bogsan oo ku yaalla bartamaha Bariga Dhexe waana sababta keenta iney dhacaan iska horimaadyo fool ka fool ah oo markii dambe isu beddelay gantaallo la soo rido, duqeymo dhinaca cirka iyo dhimasho.

In wararka ku saabsan isku dhacyada ay ka maqnaayeen boggaga hore ee warbaahinta, kama dhigna in aysan jirin wax isku dhacyo ah ama xaaladda ay dantay. Arrimihi taagnaana ma jiraan wax iska baddalay sida oo kale nacaybka iyo cabashooyinka gaamuuray ee sanadaha badan soo taagnaa waxay jiilal badan u horseedeen dil iyo dhibaatooyin fara badan.

In ka badan hal qarni Yahuudda iyo Carabta waxay ku hardamayeen sidii ay u hanan lahaayeen dhulka u dhaxeeya Webiga Urdun ilaa iyo Badda Mediterranean. Israa’iil waxay Falastiin u geysatay jab isdabajoog ah tan iyo markii ay xornimada qaadatay ee 1948-kii, balse wali Israa’iil ma gaarin guul kama dambeys ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post