1077 Views

Sheekh Shariif”dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo”

Sheekh Shariif”dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku xadgudubtay dastuurka dalka.

 

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay Sababtii loogu diiday Kismaayo mid baalmarsan Sharciga dalka, islamarkaana lagu doonaayay in dastuurka Soomaaliya lagu baalmaro.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu yeeray Maamul Goboleedyada, Axsaabta siyaasadda iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Bad baadinta Dalka.

 

Waxaa uu rajo xumo ka muujiyay Xaaladda Soomaaliya ee maanta waxaana uu sheegay hadii aan loo istaagin in la badbaadiyo in laga shaleyn doono.

 

“Waxaan rabaa warkeyga inuu cadaato dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay, waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado”ayuu yiri Shariif.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment